Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro deegaannadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo ahayd mid si aad ah loo soo qorsheeyay lagu beegsaday Warshad qaraxyada ay ku farsameyn jirtay kooxda Daacish, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.
Qoraalka oo uu saaray Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan lagu burburiyay Warshadda qaraxyada oo sidoo kale sameyn jirtay biraha gawaaerida ay adeegsato kooxda.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xaqiijiyay in la dilay dhammaan xubnihii argagixsada ahaa ee ku sugnaa goobta la duqeeyay oo ahayd bartilmaameed muhiim ah.
“Duqeynta caawa ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Puntland waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ujeedkeeda uu yahay inay ka hortagto firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, si aysan hoos ugu soo dagin buuraha hoostooda oo ay haatan ku dagaalamayaan labada dhinac.
Si kastaba. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish, iyadoo barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, waxaana kamid ah Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.