Home Wararka Maanta Warrar is khilaafsan oo ka soo baxaya sheekada ku saabasan xabad joojin...

Warrar is khilaafsan oo ka soo baxaya sheekada ku saabasan xabad joojin dhex marta Israa’iil iyo Xamaas

0

Wargayska afka dheer ee Washington Post ayaa daabacay in mabda’ ahaan ay Israa’iil iyo Xamaas gaareen xabad joojin shan maalmood ah oo uu dhexdhexaadiye ka yahay Maraykanku.

Wargayska ayaa sidoo kale qoray in heshiiska mabda’ ahaan la qaatay ay ku jirto sii daynta haweenka iyo caruurta la haysto.

Dhinaca kale Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka afhayeen u hadlay ayaa sheegay in illaa hadda aanay jirin heshiis xabadda lagu joojinayo oo dhexmartay Israa’iil iyo Xamaas.

Afhayeenka ayaa wakaaladda warrarka ee Reuters u sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xabad joojin lagu gaaro.

Sidoo kale masuul kale oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyay in aanay jirin illaa hadda heshiis la gaaray.

Ad
Previous articleLataliyihii ajnabiga ahaa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo sheekadii qosolka lahayd ee uu ka qoray Soomaalida
Next articleKumanaan dad ah oo ku dibad-baxaya Xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here