Home Wararka Maanta Wariyihii Warbaahinta Qaranka Caabudwaaq oo la Dilay

Wariyihii Warbaahinta Qaranka Caabudwaaq oo la Dilay

0

Cabdikarim Bulxan oo Shalay lagu dhaawacay magaalda Caabudwaaq ka dibna Xalay u geeriyoodey.

Wariyihii warbaahinta qaranka ee Caabudwaaq Cabdikariin Axmed Bulxan ayaa u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey rasaas uu ku furey askari waardiye ka ahaa xarunta Agoonta Caabudwaaq oo uu isagu Masuul ka ahaa kadib Markii Uu muran Dhexmaray.

Rasaasta ayaana Ka Haleeshay Madaxa Taas oo Sababtay inuu Soo Gaaro Dhaawac Halis oo Ugu Danbayn Sababay inuu Goordhow u Geeriyoodo.

Dhan kale Lamaaha amaanka Caabdudwaaq ayaanan ka hadlin Dilkaan Naxdinta Leh ee Loogaystay Wariye Bulxan inkastoo lasoo Qabtay Gacan ku dhiiglihii Dilay Wariye Bulxan.

Wariye Bulxan ayaana Masuul ka ahaa Xarun Wax lagu Baro Dadka Agoonta Ah Taas oo ku Taala Magaalada Cabudwaaq.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Qodobka halista ah ee ku jira heshiiska Soomaaliya ay la gashay Imaaraadka
Next articleGaadiid loogu Talagalay Ladagaalanka Alshabaab oo Dowlada Lagu Wareejiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here