Home Wararka Maanta Wariye meydkiisa laga helay gobol ku yaalla Mexico laabtiisana farriimo lagu qoray

Wariye meydkiisa laga helay gobol ku yaalla Mexico laabtiisana farriimo lagu qoray

0

Meydka weriye ka tirsan mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Mexico ayaa laga helay gobolka galbeedka ku yaalla ee Nayarit, maalmo kadib markii la waayay. Luis Martín Sánchez Íñiguez, oo 59 sano jir ah, wuxuu u shaqeynayay Wargeyska La Jornada, waxaana la la’aa tan iyo Arbacadii.

Wariyahan ayaa loo maleynayaa in loo dilay shaqadiisa, waxaana uu ka howlgalayay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan saxafiyiinta.

Mr Sánchez waxaa uu ka mid yahay saddex wariye oo lagu af-duubtay gobolka maalmihii la soo dhaafay.

Laba farriimood ayaa laabtiisa loogu xidhay, balse maamulka ma aysan shaacin waxa ay ahaayeen.

Dhimashada Mr Sánchez ayaa caro ka dhalisay gudaha Mexico iyo caalamkaba.

Guddiga Difaaca iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Mexico ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta inay caddeeyaan waxa dhacay.

Ad
Previous articleCiidamo lagu Magacaabay Khaalid bin Waliid oo Loo Diray Galmudug iyo Hirshabeele
Next articleAl-shabaab oo laga xoreeyay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here