Home Wararka Somaliya Wariye, Hooyadiis iyo Walaashiis oo ku geeriyooday Gobolka Nugaal

Wariye, Hooyadiis iyo Walaashiis oo ku geeriyooday Gobolka Nugaal

0

Weriye Nuur Jaamac Aadan oo ahaa samafale si weyn looga yaqiinay deegaanada Puntland iyo labo qof oo qoyskiisa ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta uu dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Weriye Nuur Jaamac waxaa la geeriyooday hooyadiis iyo walaashiis, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid kuwa xamuulka qaada ahaa, halka kan kale uu ahaa gaadiidka yaryar ee raaxada, waxuuna shilkaasi ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal.

Meydka seddaxda marxuum ayaa la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Garowe, maanta ayaana la aasayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehellada dadkaan.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyay Xiisadii ka jirtay Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashey Weerarka Saadaq Joon
Next articleDhageyso Waa sidee Xaafada Shiirkole ee Degmada Hodan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here