Home Wararka Maanta Wariye caan ah oo ka naxay si lama filaan ah oo shaqada...

Wariye caan ah oo ka naxay si lama filaan ah oo shaqada loogga eryey

0

Don Lemon oo ka tirsan CNN, ayaa weerar ku qaaday shabakada, kadib markii shaqadii uu hayey laga eryay, taasoo timid ka gadaal markii lagu eedeeyay dhaqan xumo.

“Waan yaabay,” Lemon ayaa ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka, isagoo sheegay inuu ku war galiyey wakiilkiisa in laga joojiyey shaqadii uu ka hayey CNN-ka.

Shabakadda warbaahinta CNN-ka, ayaa soo gudbisay in ay “kala tageen” Lemon, oo soo wada qabanqaabiyay barnaamijkeedii subaxnimo, isagoo leh “wanaag ayaan u rajaynaynaa”.

Waxay daba socotaa hadallo uu hawada mariyey Lemon, oo uu ku sheegay in Nikki Haley, oo 51 jir ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, aysan ku jirin “xilligeedii ugu wanaagsanaa”.

Xil ka qaadistan, ayaa sidoo kale timid, ka dib markii ay sidoo kale warbaahinta Mareykanka ee kale, ay iyana erisay wariye kale.

Wax yar uun ka hor ku dhawaaqista eryista Lemon, Fox News, ayaa waxay ku dhawaaqday inay shaqada ka joojisay wariye Tucker Carlson.

Shabakadda oo muddo dheer soo jirtay, Lemon, ayaa waxa uu ahaa kii ugu dambeeyay ee daadihiye ka ahaa barnaamijka soo gala aroorta hore ee xiliga Mareykanka, ee ka baxa Tv-ga CNN-ka.

Laakiin wuxuu ku dhacay xiisad kulul horaantii sanadkan, ka dib faallooyin uu ka sheegay rajada madaxtinimada ee xubinta ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Nikki Haley, ayaa ah safiirkii hore ee Qaramada Midoobay u fadhiyey Mareykanka, iyo guddoomiyaha South Carolina.

Ms Haley kuma aysan jirin “xilligeedii ugu fiicnaa”, Lemon ayaa yiri bishii Febraayo, hadal si weyn looggu dhaleeceeyay.

“Marka haweeneyda loo tixgaliyo inay ku jirto heerkeedii ugu fiicnaa, waa inay ku jirtaa sanadaha – 20-meeyadii, 30-meeyadii, iyo laga yaabee 40-meeyadii,” ayuu yiri.

Ad
Previous articleSudaan oo Markale oo looga dhawaaqay Xabad Joojin iyo Mareykanka oo ka hadlay
Next articleXabad Joojin Si Rasmi ah uga Dhaqan Gashay Dagaalkii Maagalada Khartuum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here