Home Wararka Somaliya Puntland Wararkii ugu Danbeeyey Gaas oo Gaaray Garowe Xili Xiisad Wali Ka Taagantahay...

Wararkii ugu Danbeeyey Gaas oo Gaaray Garowe Xili Xiisad Wali Ka Taagantahay Halkaas

0

Is hardiga PUNTLAND ka taagan, Tagida Siyaasiinta kala damaca ah, Safarka Deni, Fadhiyada baarlamaanka, Isimadda is khilaafsan iyo Dood 3aad.

1- Cabdiweli Gaas, madaxweynihii hore ee Puntland iyo Ra’iisulwasaare hore Cabdirashiid Sharmaake ayaa gaaray Garoowe, iyagoo sheegay in ay doonayaan in ay xalka arrimaha taagan qeyb ka noqdaan.

Gaas oo la aaminsan yahay in uu musharax u yahay doorasho ku dhacda sidii uu xilka ku wareejiyey, ayaa sheegay in uu u yimaadeen Badbaadinta Puntland, Cumar & Cabdiweli ayaa kal hore u tagey Boosaaso December 2021, si looga baaqsado dagaalo dhaca, balse taas ayay ku guuldareysteen in ay xal wada jir ah ka gaaraan, iyadoo la aaminsan yahay in ay darafyada la kala safteen.

2- Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa todobaadkan u socdaalaya dalka Imaaraatka Carabta, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, xili ay wali taagan tahay siyaasadda Puntland, guddoonka baarlamaanka ayaa diiday hakinta fadhiyada golaha wakiilada, oo ay ka codsadeen Isimada gobalka Nugaal, waxaana uu sheegay in ay tahay in ay soo xiraan 2da xaafiis Madaxtooyada & Garsoorka.

3- Shaki la xariira qabsoomida shirka Isimadda ayaa wali taagan, guddoonka ayaa lagu muransan yahay, Siyaasiinta Nugaal qaarkood ayaa ku cadaadinaya Islaan Ciise in uu katanaasulo guddoonka oo Boqorka loo daayo, mase hirgalin ilaa hadda, inta badan Isimadda gobalka Barri ayaan Garoowe wali soo gaarin, qaarkood ayaa cududaartay, iyadoo uu shalay yimi Islaan Bashiir Islaan Cabdille.

Warar hordhac ah ayaa xaqiijinaya in aan Boqor Burhaan imaan doonin, haddii aan la ogolaanin shir gudoonkiisa, iyadoo Islaan Ciise ku adkeysanayo in uu guddoonka leeyahay, sidaas oo kale Isimadda SSC ayaa ku jira marxalad dagaal, iyadoo horey loo diiday dhexdhexaadin ay sameeyeen.

4- Dood kale ayaa taagan oo ay qabaan Isimadda aan aheyn 3 xagalka, taas oo ah waxa laga hadlayo in ay ogaadaan, qaarkood ayaana soo jeedinaya in ay qasab tahay in dib loo wada hadlo, oo ajendaha laga durjiyo halka uu hadda taagan yahay, wada hadal dibu asaasna laga hadlo.

Ad
Previous articleWAARE oo Soo Faragaliyay Xiiisada Ka Taagan Magaalada Baladweyne
Next articleDowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qabuuro meydadkii lagala baxayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here