Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Xaruntii Hormuud Garasbaaleey ee Xalay Qaraxyada lagu Buburiyay(Sawiro)

Wararkii Ugu Danbeeyey Xaruntii Hormuud Garasbaaleey ee Xalay Qaraxyada lagu Buburiyay(Sawiro)

0

Qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho

Waxaa xalay fiidkii qaraxyo lagu weeraray xarumo shirkadda Hormuud ku leheyd Deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Weeraradan oo dhacay abaaro 8-dii fiidnimo ayaa waxaa loo adeegsaday miinooyin nooca soo booddada ah, kuwaas oo la dhigay bannaanka hore ee xarumaha BTS-yada ee xaafadaha Igadaba-gey & Safaari ee deegaanka Garas-Baaley.

Inta la xaqiijiyey ma jiraan wax khasaaro nafeed ah ka dhashay qaraxyadan. Waxase jira burbur iyo qasaaro hantiyadeed oo soo gaaray dhismayaashii la qarxiyey.

Waxaa xusid mudan in kal hore sidan oo kale, qaraxyo lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Damada Daayniile & BTS-kii deegaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha taariikhdu markay ahayd 09-November-2023.

Dowladda Somalia & Shirkadda Hormuud ayaan weli ka hadlin dhacdooyinkaan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan, iyo cid loosoo xiray toonna.

Ad
Previous articleDagaal Ka Dhacay Deegaanka Xananbuure iyo Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhashay
Next articleDegmo ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray Oo Gargaar la Gaarsiiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here