Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Qasa oo wali Duqaymo Culus ku socdaan

Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Qasa oo wali Duqaymo Culus ku socdaan

0

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee saaka duqeeyay goobo badan oo ku yaalla guud ahaan Gaza, oo ay ku jiraan goobo lagu wargeliyay dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta inay magan galaan.

Dad badan ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen duqeymaha saaka, iyadoo qaar kalena ay weli ku hoos jiraan burburka, waxaana socda gurmad xoogan welina lama soo saarin tirakoobka dadka wax ku noqday duqeymaha saaka.

Israa’iil ayaa si weyn loo filayaa inay weerar dhulka ah ku qaado Gaza ka dib markii Xamaas ay 7-dii Octoobar weerar ku qaaday bulshooyinka koonfurta Israa’iil.

Taangiyada iyo ciidamada ayaa la soo dhoobay xadka Qaza, Israel ayaa sheegtay inay kordhisay duqeymaha cirka si loo yareeyo khatarta ku imaan karta ciidamada marka ay galaan Gaza.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay ciidamada ku sugan waqooyiga Israa’iil Axadii in haddii Xisbullah ay qaado dagaal uu noqon doono khaladkii ugu weynaa nolosheeda. Waxaan ku curyaamin doonaa ayuu yiri awood aysan xitaa qiyaasi karin, cawaaqibka ka dhalan kara

In ka badan 1,400 oo qof ayaa Israa’iil lagu dilay – kuwaasoo u badan dad rayid intii uu socday weerarkii hore ee Xamaas. Ugu yaraan 212 qof ayaa la qafaashay oo la geeyey Qaza. Laba qof oo Maraykan ah ayaa la sii daayay Jimcihii, saacado ka hor inta aan la soo dejin shixnaddii ugu horreysay ee gargaar bini’aadantinimo.

In ka badan 4,600 oo qof ayaa sidoo kale lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Taasoo ay ku jirto khasaaraha lagu muransan yahay ee ka dhashay qaraxa isbitaalka.

Israa’iil ayaa duqeymo xaddidan ku qaaday Gaza, Axaddii, Xamaas waxay sheegtay inay burburisay taangi Israa’iil leedahay iyo laba cagaf-cagaf ah oo ku sugnaa gudaha dhulka ay xukumayeen tan iyo 2007. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askari laga dilay saddex kalena uu dhaawacay Gantaalka lidka taangiyada intii lagu guda jiray duullaan ka dhacay gudaha Gaza.

Milateriga ayaa sheegay in weerarkan uu qeyb ka ahaa dadaallada lagu soo badbaadinayo la haystayaal lagu afduubtay weerarkii 7-dii Octoobar Xamaas ayaa rajaynaysa in maxaabiista ay ku bedelato maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haysato Israel.

COGAT, oo ah hay’adda difaaca Israa’iil ee mas’uulka ka ah arrimaha rayidka ah ee Falastiin, ayaa sheegtay in gargaarka lagu oggolaaday codsi ka yimid Mareykanka, waxaana ku jira biyo, cunto iyo sahay caafimaad. Waxa ay sheegtay in wax walba ay eegtay Israel ka hor inta aan la keenin Gaza.

Netanyahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shalay ku wada hadlay khadka telefanka ayaa waxay xaqiijiyeen inay sii socon doonto qulqulka gargaarkan muhiimka ah ee Gaza sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Cad.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in gargaar dheeri ah loo baahan yahay si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Gaza ka taagan, halkaasoo kala bar 2.3 milyan oo qof ay ka carareen guryahooda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAlshabaab oo Dagaal Culus kadib Xoog looga saaray Magaalada…(Sawiro)
Next articlediyaaradaha Israaill oo weerar ku qaaday Dalka Suuriya iyo Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay