Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaadaya Degmada Galhareeri

Wararkii ugu Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaadaya Degmada Galhareeri

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa la xaqiijiyay inay ku guuleysteen in la duqeeyo saddex xarumood oo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd Galhareeri.

Goobaha la duqeeyay ayaa iskugu jira goob garaash ah oo lagu diyaarinayay baabuur qaraxyo ah, goob ay kooxda ku keydsan jirtay hubka iyo goob ay dhigan jireen agabka caafimaadka ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Weerarkan wuxuu hordhac u yahay in Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku teedsan inay shaqo xoog leh ka bilaaban doonto dhawaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in goobtaasi lagu burburiyay illaa todobo gaari oo goobta tiilay, sidoo kalena la gubay keydka hubka ee koox u yaallay halkaasi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay jeediyay hadalkiisi koowaad, tan iyo markii uu Sabtidii tegay Dhuusamareeb.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in gulufkan ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku xeeran inuu yahay mid lagu dhameystirayo wejigii koowaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweynaha in dhowr jiho laga weerari doono deegaanada ay weli kooxda Al-Shabaab ku harsan tahay.

Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay muddada dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab, waxayna u aheyd xarun weyn oo ay ku lahaayeen saldhigyo gaar ah.

Si kastaba, howl-galka ka dhacay Galhareeri ayaa qeyb ka noqonaya gulufka haatan ka socda gobollada dhexe, kaasi oo uu hagayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Sweden oo mar kale ogolaatay in Kitaabka Quraanka Fagaare lagu Gubo
Next articleWasiir Fiqi oo Shaaciyay in Koox ka Daral Alshabaab ay Soo Baxday Tahayna in lala Dagaalamo