Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Toddoba jir fal argagax leh loogu geystay Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Toddoba jir fal argagax leh loogu geystay Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, taas oo lagula kacay wiil yar oo todobo sano jir ah, sida ay xaqiijiyeen Waalidiintiisa.

Wiilkan yar oo dhiganayay mid kamid ah iskuulada ku yaalla degmada Xamarweyne ayaa la faraxumeeyay, sida ay sheegeen Waalidiintiisa oo la hadlay Telefishinka Dalsan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in falkaas uu gaystay waardiyihii iskuulka uu dhigayay wiilka, kadibna uu baxsaday.

“Wiilkeyga ayaa musqusha ku jiray, wuuna la galay waardiyaha, kadibna falal xumadaan ayuu ku sameeyay xittaa waa dilay” ayay tiri wiilka yar hooyadiis.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in kiiskan ay u gudbiyeen saldhigga degmada, isla-markaana la xiriray dad uu jiro maamulihii iskuulka, si loo soo qabto eedeysanaha

“Annaga marka ay dhacdadaas dhacday iskuulka ayaan aadnay, ninkii waa nagala qariyay, maamulahaa lasoo waday saldhigga ayaa la geeyay hadda dacwaddii ayaa socota” ayay raacisay.

Ugu dmabeyn waxay ay farriin u dirtay dowladda Soomaaliya oo ay ka codsatay in cadaalad loo raadiyo wiilkeeda oo ay tilmaamtay in uu dhibane u yahay falka lagula kacay.

“Waxaan codsanayaa in meel la’iis saaro wiilkan cabashadiisa oo xuquuq islaami ah aan ku socono oo ninkaan meel la ii saaro” ayay mar kale tiri hooyadu.

Dhacdadan aragagaxa leh ayaa xanuun ku reebtay dadka deegaanka iyo ehellada wiilka yar, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Ad
Previous articleCiidamada Xooga Soomaaliya oo Maantay 16 sana Kadib lagu aaminaayo Amaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
Next articleCiidamo ka Amar Qaata Deni oo Xoog kula Wareegay Xaruntii Baarlamaanka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here