Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Maalinkii Labaad kasocda Muqdisho iyo Madax Hor leh...

Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Maalinkii Labaad kasocda Muqdisho iyo Madax Hor leh oo kusoo Biirtay

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maalintii labaad ka socdo shir wadatashi ah oo u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo uu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka sidoo kale waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa shalay dib loogu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Sida ay ogaatay Mudug24 waxaa sidoo kale shirka maanta ku biiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo haatan ku sugan hoteelka Decale oo ah halka shirka lagu qabanayo.

Wararkii ugu dmabeeyay ayaa sheegaya in shirka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana uu yahay mid xasaasi ah oo lagu gorfeyn doono arrimo masiiri ah.

Arrimaha maanta laga wada doodi doono waxaa kamid ah muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyadaa amniga, dastuurka iyo doorashooyinka oo ah kuwa muhiim ah.
Ad
Previous articleDiinlaawaha qoray buugga ‘Aayadaha Sheydaanka’ oo ka hadlay weerarkii isha looga riday
Next articleMadaxweyne Raisi oo weeraray Reer galbeedka ka dib kulan uu la qaatay dhigiisa Musaveni (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here