Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shilkii dayuuradeed ee Garoonka Aadan Cabdulle ku Gashay...

Wararkii ugu Danbeeyey Shilkii dayuuradeed ee Garoonka Aadan Cabdulle ku Gashay Ethoobiyaan airline

0

Waxaa baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan shil Dayuurada Ethiopian Airlines ay caawa ku gashay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid sida warar soo baxaya sheegayaan markii mid ka mid ah matoorada diyaarada ay waxyeello soo gaartay in yar ka dib markii ay ka duushay Garoonka Aadan Cabdulle.

Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka dowlada Somalia ayaa mudug24 u sheegay in mid ka mid ah matoorada dayuurada uu fariistay markii ay dhex gashay wax loo malaynayo iney aheyd shimbir, taasoo sababtay inuu qiiq iyo dab ka baxo.

Wararka ayaa sheegaya in dayuuradu ay markiiba dib ugu soo laabatay garoonka Aadan cadde, Shaqaalaha iyo rakaabkii saarnaa diyaaradana ay bad qabaan inkastoo uu dib u dhac ku yimid safarkii dayuurada oo caawa ku hoyaneysa garoonka Muqdisho.

Ad
Previous articleJeneraal Zakiya oo Markii ugu Horaysay Ka Hadashay Kiiskii Macalin Shucayb oo Dhawaan ku Eedaysay inuu Gabdho yar yar kufsaday
Next articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Xildhibaanad Ilhaan Omar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here