Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Rag ka Tirsan Alshabaab oo aasaayay Miino oo ayagii...

Wararkii ugu Danbeeyey Rag ka Tirsan Alshabaab oo aasaayay Miino oo ayagii La Kacaday

0

Inta u dhaxeysa degaanada Nambar 50 iyo Laanta-buuro ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa lagu arkay saaka meydadka labo nin oo la sheegay iney ku qaraxday xalay miino ay halkaas ku aasayeen sida tebisay warbaahinta DF.

Afhayeenka ciidanka ATMIS ayaa sheegay in labada ruux ee dhintay ay ka tirsanaayeen Al-shabaab xilli ay doonaayeen inay miino ku aasaan wadada isku xirta degaanada u dhaxeeya lambar 50 iyo laanta Buuro.

Wararku waxay  intaa ku darayaan in haraaga meydadkii labadaasi ruux uu gaaray masaafo dhan 50 mitir oo ballac ah.

Dhinaca kale, Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa deegaanka ayaa dilay dagaalame ka tirsan Alshabaab, kaasoo walxaha qarxa ku aasayay wadada xiriirisa Janaay-Cabdalla iyo Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Holwgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay saraakiisha ciidamada dowladdu sheegeen inuu qeyb ka yahay howlgallo xiriir ah oo lagu ciribtiriyo Shabaabka ku sugan Jubbaland.

Ad
Previous articleDANAB oo shaaciyay Qorshaheeda Dagaalka Wajiga Labaad
Next articleKenya oo Latimid Qorshe Dowlada Soomaaliya Alshabaab uga Adkaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here