Home Wararka Somaliya Puntland Wararkii Ugu Danbeeyey Qax Ka Bilowday Garowe iyo Ciidamo Soo buux Dhaafiyay...

Wararkii Ugu Danbeeyey Qax Ka Bilowday Garowe iyo Ciidamo Soo buux Dhaafiyay Magaaladaas

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo badan oo iska soo horjeeda.

Ciidamo kasoo horjeeda madaxweyne Deni ayaa isku fidiyay qeybo badan oo magaalada kamid ah , waxa ayna ciidamada diidan yihiin in baarlamaanka Puntland uu furo dastuurka maamulkaasi , si loo kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadda.

Shacabka ku dhaqan magaalada Garawe ayaa bilaabay in ay isaga barakacayaan xaafado kamid ah magaaladaasi, waxa ayna shacabka ka cabsi qabaan in ciidamada iska soo horjeeda dushooda ku dagaalamaan.

Ciidamada mucaaradka ayaa xirtay waddooyin kuyaalla magaalada Garawe, waxa ayna ciidamada saakay xireen isku socodka dadka iyo gaadiidka qeybo kamid ah magaalada Garawe, waxa ayna ciidamada gaadiidka dagaalka soo dhigeen goobo muhiim ah.

Ad
Previous articleWaa kuma Janaraalka ka soo dagaallamay Laascaanood ee hadda ciidamadiisa lagu arkay xaafada ka mid ah Garowe?
Next articleDad “Nabi Ciise ka baadi-goobayay Itoobiya” oo la qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here