Warar Dheeribahv iyo Faafaahinta Qaraxa oo dhammeystiran iyo sida wax u dhaceen.
Gaariga Soomaalidu u taqaanno laanGaruusar oo waday is Qarxiye ka Tirsan Alshabaab ayaa Coog kusoo Jiiray Bar koontarool oo ku Taalaa agagaarka ifka Xalane.
Bar kontorool oo Ammaanka Muqdisho laga ilaaliyo kuna taalla Waddada Warshadaha ayuu Baabuurku isku dayey inuu xoog kusoo dhaafo, laakiin Ciidanka ayaa gaariga Xabadeeyey, waxay dileen gaariga Darawalkii Gaariga Waday.
Kadib waxaa Qarxay gaarigii, Xarunta dhul bixinta ee maamulka Gobolka Banaadir uu maamulo ayuu gaarigu ku Qarxay Darbigeeda, waxaa jira dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda weli lasoo xaqiijin.
Ad