Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Danbeeyey Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Ka Dhacay Maxaas

Wararkii ugu Danbeeyey Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Ka Dhacay Maxaas

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay gudaha degmada Maxaas oo uu haatan ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay magaaladaas oo ay ku sugan yihiin wufuud kala duwan iyo ciidamo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob lagu hubiyo gaadiidka oo ah halka laga galo xero ay wada dagan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in gaariga uu ku qarxay irida hore ee la maro marka xerada loo socdo, halkaas oo aad uga fog meesha ay dagan yihiin madaxda.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ku dhacay bar-koontarool ku leh ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-daad, qaybta 27-aad oo gaadiidka ku baara halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in xogta qaraxa ay hayeen, isla-markaana ay qarxiyeen markii la arkay gaariga, sidaasna ay ku fashiliyeen weerarka oo ahaa bartilmaameed ku socday xerada ciidamada.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana haatan howlgallo culus wada ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Degmadan ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan, waxaana ka socda abaabul ku aadan wajiga labaad ee deegaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr cisho jooga Maxaas ayaa sidoo kale kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada magaaladaas oo xudun u ah halganka xoreynta ee ka socda dalka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey xasan Shiikh iyo Beesha Xawaadle oo ismari la iyo Shirar lagu kala kacay
Next articleDowladda Mareykanka oo $2 Milyan oo Dollar ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here