Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Qarax Ka Dhacay Suuqawayn ee Bakaaraha

Wararkii Ugu danbeeyey Qarax Ka Dhacay Suuqawayn ee Bakaaraha

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha, kaas oo ay jugtiisu si xoogan u maqleen dadka deegaanka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe lagu xiray xarun ganacsi oo ku taalla agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday, waxaana goor dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa lasoo wariyay in burbur uu soo gaaray dhismaha xarunta ganacsi ee la weeraray.

Sababta loo beegsaday goobtan ganacsi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhanka kale ka horyimid kooxda Al-Shabaab oo haatan bilowday beegsiga ganacsatada.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyaya ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV.

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo dhawaan ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, kaas oo lala beegsaday dukaan lagu biiyo qalabka baabuurta ee Spare Parts-ka oo isna  lagu xiray Kaamirada, waxaana ka horreeyay qaraxyo kale oo lala eegtay xarumo kale

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleP.M Xamse Barre oo Sheegay in ciidanka Xoogga hub casri ah lagu qalabeenayo Xili Soomaaliya Laga Qaaday Cunuqabataynta Hubka Soomaaliya
Next articleKulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xatunta Villa Hargeysa oo lagu kala kacay