Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo Farsamo Cusub...

Wararkii ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo Farsamo Cusub Bilaabay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lagu xiray guri uu dagan yahay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Bamaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, laakiin waxaa jira burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha guriga la qarxiyay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Caasimasa Online u sheegay in xilliga uu dhacayay qaraxa uu guriga ku sugnaa guddoomiye waaxeedka deganaa hoyga miinada lagu qarxiyay, balse wuu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay.

Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan qaraxaas.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaano ka wadaan xaafadda uu qaraxu ka dhacay, si gacanta loogu soo dhigo kooxdii ka dambeysay weerarkaasi.

Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

laba Habeen Ka Hor ayay Ahayd Markii Sidaan oo kale Guri kuyaala Degmada Wadajir oo uu lahaa nin lagu magacaabo Ayaatylaahi Kana Mid aha Dadka Ugu Sareeya Shirkada Hormuud Gurigiisa Qarax loogu Xiray Waloow aan Wax khasaaro ah ka Dhalan

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan culays soo saartay kooxda Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada culus ee ka socda gobollada dalka.
Ad
Previous articleJeneraal Sheegow Axmed Cali iyo askartii difaaceysay ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay oo lasoo taagay maxkamad
Next articleGolaha wasiirada oo Maantay yeelanaya shir aan caadi ahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here