Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, laakiin waxaa jira burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha guriga la qarxiyay.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Caasimasa Online u sheegay in xilliga uu dhacayay qaraxa uu guriga ku sugnaa guddoomiye waaxeedka deganaa hoyga miinada lagu qarxiyay, balse wuu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaano ka wadaan xaafadda uu qaraxu ka dhacay, si gacanta loogu soo dhigo kooxdii ka dambeysay weerarkaasi.
Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
laba Habeen Ka Hor ayay Ahayd Markii Sidaan oo kale Guri kuyaala Degmada Wadajir oo uu lahaa nin lagu magacaabo Ayaatylaahi Kana Mid aha Dadka Ugu Sareeya Shirkada Hormuud Gurigiisa Qarax loogu Xiray Waloow aan Wax khasaaro ah ka Dhalan