Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee mara degmadaasi,  gaar ahaan gagaarka iskuulka lagu magacaabo Halgan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa iyo kuwa waddada marayay.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, ayada oo ay dhaawacyo soo gaareen dad kale oo la dhigay qaar kamid ah sisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa inay dad usoo qabqabyeen qaraxa.

Ma jiro willaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxa iyo baaritaanada xigay ee ay ka sameeyeen degmada Dharkenley.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha degmadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho  ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay caasimada.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro.

Ad
Previous articleGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mar kale ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood oo Haatan Xasiloon
Next articleIsreal oo shuruud ku xirtay sii deynta biyihii iyo korontadii ay Qasa ka jartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here