Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax Goordhoe Ka Dhacay is Zoobe

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax Goordhoe Ka Dhacay is Zoobe

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi, wuxuuna ku qarxay Isbitaalka Aadan Cadde, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ma cadda shaqsiga wadatay gaariga lala bartilmaameedsaday qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiray waddadaasi.

Ugu yaraan hal qof aya ku dhaawacmay qaraxan, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray baabuurka lagu xiran miinada, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha dhaawaca iyo buburka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada laami yaraha Zoobe oo ay ku yaallaan xarumo hay’adeed, isbitaallo & jaamacado.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogleh soo saartay caasimada, markii lagu jabiyay inta badan dagaallada culus ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleCaasho Abuukar Ibraahim oo Shahaadada Masterka Ka Diyaarinasay Dalka Masar oo Gurigeeda Lagu Dhex dilay
Next articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Galmudug oo Gacanta Ku Dhigtay Sadex Sarkaal oo Alshabaab La Tirsan