Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax Culus Gaystay oo Ka Dhacay Boosaaso

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax Culus Gaystay oo Ka Dhacay Boosaaso

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay buush ku yaalla halka lagu magacaabo Tuurta, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in goobta la qarxiyay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo dad shacab ah oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay miinada lala eegtay.

Goobta uu qaraxy ka dhacay ayaa aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, sida ay Mudug24 u sheegeen  dad goobjoogayaal ah.

Abaare Salaaddii casar intaan la gelin wax yar ka hor(3:10 pm) ayaa waxaa uu qarax ka dhacey magaalada Boosaaso, gaar ahaan xaafadda “Tuurta” ee Bariga magaalada.

Dhimashada ayaa ilaa hadda gaareysa Seddex ruux, Labo goobta uu qaraxu ka dhacey ku geeriyoodey, Halka kan Seddexaad uu markii dambe Isbitaalka weyn dhaawacii ugu geeriyoodey, Halka dhaawacu yahay Sagaal ruux.

Dhimashada & dhaawacyada ayaa markii hore la wada keenay Isbitaalka Guud ee magaalada (Bosaso General Hospital).

Sagaalka ruux ee dhaawaca ah ayaa la kala geeyay Isbitaallada NATIONAL(4 ruux) & KAAFI(5 ruux).

Magacyada wiilasha geeriyoodey:
1.C/raxmaan Huruuse Nuur Gaas(Xaaji).
2.C/raxmaan Axmed Maxamed(Geelxoor).
3.Jaabir Cabdi Qoslaaye(Dhaawacii u dhintey).

 

 

Ad
Previous articleQaar Ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo Si Adag uga Horyimid Qorsha Beri ee Baarlamaanka Soomaaliya
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here