Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Muslimiin Lagu laayay Dalka Itoobiya

Wararkii Ugu Danbeeyey Muslimiin Lagu laayay Dalka Itoobiya

0

Shan ruux oo afar ka mid ah ay isku qoys yihiin ayaa la diley xilli ay salaad ka soo laabteen gobolka Amxaarada, sida laga soo xigtey Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya.

Falkan lagu laayey dad Muslimiinta ah oo ka dhacay magaallada Baxardar ee xarunta gobolka ee Amxaarada Itoobiya ayaa sida la sheegay waxaa geystey rag dabley ah oo aan la aqoonsan.

Ali Getahun oo ka tirsan Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in dhibanayaasha lagu hayey hanjabaad lacago baad ah looga doonayey, ka hor geeridooda.

Getahun ayaa intaas ku daray in weerarrada lala beegsanayo dadka Muslimiinta ah ay sii kordheen bilihii ugu dambeeyeym, ku waas oo badankood la xiriira baad iyo burcadnimo.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya faraciisa Amxaarada, Muslimiinta siddeeddii bilood ee la soo dhaafay lagu diley gobolkaas ayaa kor u dhaafaya 80 qof, taas oo loogu soo gambanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo jabhadda Fano.

Ad
Previous articleAlshabaabkii Ugu Badnaa oo lagu laayay Duleedka Degmada Xarardheere
Next articleCiidamadii Hindida ahaa Ee Gacanta Ku dhigay Burcadbadeeda Soomaalida oo la abaalmariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here