Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Mudaaharaadyo ka socda Talaabiib

Wararkii Ugu Danbeeyey Mudaaharaadyo ka socda Talaabiib

0

Boqollaal mudaaharaadayaal ah ayaa xalay isugu soo baxay magaalada Tel Aviv, kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in ciidamada difaaca Israa’iil ay “si khalad ah” u dileen saddex nin oo lagu haystay Qaza.

Dibad-baxayaashu waxa ay wateen boorar iyo shumacyo, xilli ay u socdeen saldhig milatari oo ku yaalla magaalada Tel Aviv, waxayna ugu baaqeen dawladda Israa’iil inay ka wada xaajoodaan sidii loo sii dayn lahaa la haystayaasha hadhay ee Xamaas ay qabsadeen 7-dii Oktoobar.

Ciidamada IDF ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dilkaasi, waxaana ay sheegeen in ay baaritaan ku sameyn doonaan.

In ka badan 100 la haystayaal ah oo ay Xamaas qafaasheen ayaa weli ku sugan Qaza.

Ad
Previous articleCiidamada Daraawiishta Galmudug iyo Kuwa Deegaanka oo Hareereeyey Alshabaab ku Sugan Koonfurta Gobalka Mudug
Next articleXukunka Daacishtii Masjidka kula kale wareegayay Bambooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here