Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa kusii qul-qulaya magaalada Garowe, xilli uu halkaasi ka furmayo shirweyne looga soo horjeedo madaxweyne Deni.
Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmihii dambe waday qorshaha shirweyne lagu mideynayo siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa culaysyo kala kulmaya laamaha amniga.
Puntland ayaa shalay mamnuucday in siyaasiyiinta mucaaradka ay hub iyo ciidan lasoo galaan caasimada Puntland ee Garoowe, xilli lagu wado inay ku dhawaaqan isbahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Deni.
Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Shakhsiyaadka aadka uga dhex muuqda mucaaradka kasoo horjeeda madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, kaasi oo shalay meel fagaare ah ka weeraray Deni, oo uu sheegay in uu ku fashilmay doorashadii nidaamka axsaabta badan.
Sidoo kale waxa uu ku goodiyay in ay imaan doonto waqti aan Deni waxba laga weydiin doonin masiirka Puntland, haddii uusan kahor dhamaadka muddo xileedkiisa ku dhawaaqin doorasho.