Home Wararka Maanta Maxay yihiin kooxda Qassam Brigades ee dagaalka kula jirta Israa’iil?

Maxay yihiin kooxda Qassam Brigades ee dagaalka kula jirta Israa’iil?

0

Izz al-Din al-Qassam Brigades waa garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Kaddib markii la aasaasay sanadihii 1980meeyadii, Xamaas ayaa la timid labo hadaf: inay dagaal hubeysan ku qaaddo Israa’iil, kaasoo ay hoggaaminayaan garabkeeda militari, iyo hirgelinta barnaamijyo daryeelka bulshada ah.

Dhaqdhaqaaqan ayaa ku lug lahaa hannaanka siyaasadeed ee Falastiiniyiinta tan iyo sanadkii 2005, markii Israa’iil ay ciidamadeeda iyo dadkeeda kala baxday Gaza, kuna guuleystay doorashooyinka sanadkii 2006, kahor inta aysan maamulkeeda ku xoojin sanadkii xigay iyadoo meesha ka saartay dhaqdhaqaaqa ay iska soo horjeedeen ee Fatax, oo uu hoggaaminayay Maxamuud Cabaas.

Tan iyo markaas, dagaalyahannada Gaza ku sugan ayaa fuliyay tiro howlgallo waaweyn oo ay dagaallo kula galeen Israa’iil.

Israa’iil, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska, iyo sidoo kale quwado kale, ayaa guud ahaan Xamaas iyo garabkeeda milatari u aqoonsan urur argagixiso.

Maxkamad Masar ku taalla ayaa sanadkii 2015 xukmisay in the Izz al-Din al-Qassam Brigades loo aqoonsado “urur argagixiso,” xukunkan oo ay ka dhiidhiyeen firqo badan oo Falastiiniyiin ah, waxayna ku tilmaameen “inaysan caddaalad u ahayn Falastiiniyiinta” isla markaana aysan dan u ahayn Masar.

Mohammed Deif, oo loo yaqaanno Mohammed Diab Ibrahim al-Masri, waa hoggaamiyaha kooxdan Izz ad-Din al-Qassam Brigades.

Wuxuu liiska dadka ay ugu doon doonista badan tahay Israa’iil ku jiray muddo 20 sano ah.

Israa’iil ayaa dhowr jeer oo hore isku dayday inay disho Deif, balse mar walba wuu ka badbaadayay.

Sida laga soo xigtay barta internet-ka ee al-Qassam Brigades, magaca dhabta ah ee Deif waa Mohammed Diab.

Magacan oo Carabi ah ayaa micnihiisu yahay “marti” —waxayna kooxdu sheegtay in loogu doortay sababo la xiriira inuu ku habboon yahay nin isaga kala gooshaya “xaafad ka xaafad iyo deegaan ka deegaan” iyadoo ay si joogto ah isha ugu hayaan ciidamada Israa;’iil.

Sanadkii 2014, Xamaas ayaa sheegtay in xaaskii iyo wiil uu dhalay Deif lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysteen Marinka Gaza.

Markii ay doorashooyinkii Gaza ku guuleysteen, kooxda ayaa afar dagaal oo waaweyn la galay Israa’iil, iyadoo Masar ay Marinka Gaza xannibaad saartay Xamaas si ay cadaadis ugu saarto inay joojiyaan weerarrada.

Ad
Previous articleJoe Biden oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Codsi ku aadan Dagaalka Kasocda Qasa Udiray
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Mucaaradka Puntland oo kusii qul-qulaya magaalada Garowe iyo Deni oo Culays Soo Wajahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here