Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen waqooyiga gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay beegsadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xiisad colaadeed haatan laga dareemayo duleedka deegaanka Huurshe oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.
Falkan ayaa lala xiriirinayaa dilalka aanooyinka qabiil ee inta badan ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ay isku geysanayaan maleeshiyaadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan gobolladaasi oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug.