Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne QOOR QOOR oo ka dagay Kismaayo

Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne QOOR QOOR oo ka dagay Kismaayo

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta goboka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulkaas iyo dadweyne fara badan, ayada oo kadib loo galbiyay qasriga madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa loo adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo, ayada oo la xiray waddooyinka qaar ee magaaladaais, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay ogaatay Mudug24 ujeedka safarka Qoor Qoor ee Kismaayo ayaa la xiriira kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ka qayb-galayo shir gaar ah oo uu soo qaban qaabiyay Axmed Madoobe, kaas oo ay yeelanayaan qaar kamid ah madax goboleedyada, loogana hadli doono xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo fatahaadaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in intiisa badan shirkaas diiradda lagu saari doono arrinta dastuurka oo ay dood xoogan ka taagan tahay wax ka beddalkiisa.

Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa hadda si aad ugu ololeynaayo wax ka beddalka dastuurka, iyaga oo bilaabay qorshahooda ku aadan arrintaas oo ay wadato Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, waxaana isha lagu wada hayaa shirarkan siyaasadeed ee la filayo inay gudaha dalka ka dhacaan, ayna qayb ka yihiin mucaaradka oo diidan in la beddalo dastuuka.

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen. Muwaadiniintan, oo

Falastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Dr. Riyad Malki ayaa ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika, sida Suudaan,
Ad
Previous articleDable Maxamed Diiriye Cabdulle oo Dhawaan Dilay Taliyihiisa oo Maantay Maxkamad Lasoo Taagay
Next articleDowladda Turkiga oo cadaadis lagu saarayo soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya