Home Wararka Maanta Dable Maxamed Diiriye Cabdulle oo Dhawaan Dilay Taliyihiisa oo Maantay Maxkamad Lasoo...

Dable Maxamed Diiriye Cabdulle oo Dhawaan Dilay Taliyihiisa oo Maantay Maxkamad Lasoo Taagay

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaas oo loo haysto inuu dil bareer ah u gaystay taliyihiisii, kadib amar diido uu sameeyay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe ayaa dilay marxuum Caamir Xasan Cali oo u ahaa taliye koox, xilli ay ku sugnaayeen furinta dagaalka.

Dilka ayaa yimid, kadib markii eedeysanaha uu diiday amar shaqo loogu dirayayay, kadibna uu sidaas ku dilay taliyihiisii.

Goobjoogayaal la keenay Maxkamadda ayaa sheekeeyay, sida ay wax u dhaceen “Salli ayaa ku fadhinay ninkaan difaaca ayuu ka yimid, waana nasoo kor istaagay, kadibna xabadaha ayuu ku furay taliye Caamir, wuuna orday” ayuu yiri mid kamid ah marqaatiyeyaasha.

Intaas kaidb ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada oo fadhiga ka hadlay ayaa dalbaday in eedeysanaha lagu xukumo dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Caamir Xasan Cali.

“Waxaan Maxkamadda horkeenay qoraygii uu dilka ku gaystay oo aan Xoogga dalka iska lahayn, balse uu isaga jeebkiisa kala yimid, waxaana Maxkamadda horkeenay laba marqaati oo goobjoog ahayd, sidaas daraadeed waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in eedeysane Maxamed Diiriye Cabdulle Maxkamaddu ku qaado qodobada aan ku soo eedeynay” ayuu yiri xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Darakada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo sheegay inay dib ka shaacin doonaanxukunka eedeysane Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxa ay u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin kala duwan.

Si kastaba, saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa inta badan tega furimaha dagaalka iyo deegaannadii dhowaan Al-Shabaab laga qabsaday, si ay ula socdaan fal dambiyeedka ka dhici kara ciidamadaas howlgallada ku jira.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Ragii Habeen ka Hor Dilay Dhaqtar iyp Macalinkii Dugsi Quraanka oo Gacanta Lagu Soo Dhigay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne QOOR QOOR oo ka dagay Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here