Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Madax Sare oo khasaaro Xoogan kasoo Gaaray Weerarkii Hotek...

Wararkii Ugu Danbeeyey Madax Sare oo khasaaro Xoogan kasoo Gaaray Weerarkii Hotek SyL

0

Masuuliyiin badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka caawa ka socda gudaha hotel SYL ee magaalada Muqdisho, Sida aan xog hor dhac ah ka heshay khasaaraha.

Masuuliyiin ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa la sheegay inay ku shirayeen hotelka, sidoo kale waxaa joogay masuuliyiin kale oo xildhibaano u badnaa.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.

Ugu horeyn weerarka ayaa ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo la sheegay in qof lagu soo xiray, qofkaasi wuxuu ku qarxay gaari maraayey banaanka hotelka.

Intii uu gaarigaasi gubanaayey waxaa gudaha Hotelka u daatay koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna toogasho ku bilaabeen masuuliyiintii joogtay hotelka.

Ciidanka weerarrada afjarka ah fuliya ee Alfa-group ayaa hadda gudaha u galay hotelka, kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan kooxda ka dhex dagaalameysa hotel SYL.

Hotelkaan uu ku yaalla irida laga galo madaxtooyada Soomaaliya waxaa adag inuu tago qof shacab ah oo socda, waxaana aaggaas lagu tagaa ID-card, waxaana la garan waayey halka ay soo mareen ragga weerarka fuliyey.

Heegan adag ayaa la geliyey dhamaan ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho, masuuliyiin badan ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo isbitaallada loo qaaday dhaawacyadooda, halka kuwa kale la aaminsan yahay inay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Weerar Ku Bilowday Qarax oo lagu Qaaday Hotel kasoo Horjeeda Madaxtooyada
Next articleAfhayeenkii Xukumada Soomaaliya oo Ka Mid Noqday Dadka Ku Wax yeeloobay Weerarkii Hotel SYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here