Masuuliyiin badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka caawa ka socda gudaha hotel SYL ee magaalada Muqdisho, Sida aan xog hor dhac ah ka heshay khasaaraha.
Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.
Intii uu gaarigaasi gubanaayey waxaa gudaha Hotelka u daatay koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna toogasho ku bilaabeen masuuliyiintii joogtay hotelka.
Ciidanka weerarrada afjarka ah fuliya ee Alfa-group ayaa hadda gudaha u galay hotelka, kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan kooxda ka dhex dagaalameysa hotel SYL.
Heegan adag ayaa la geliyey dhamaan ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho, masuuliyiin badan ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo isbitaallada loo qaaday dhaawacyadooda, halka kuwa kale la aaminsan yahay inay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.