Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Madaafiic Lagu Garaacay Golwayn iyo Khasaaro Xoogan oo Ka...

Wararkii Ugu Danbeeyey Madaafiic Lagu Garaacay Golwayn iyo Khasaaro Xoogan oo Ka Dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay tiro madaafiic ah lagu garaacay degaanka Golweyn oo hoostaga magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolkaasi, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicda ayaa lagu eedeeyay inay soo tuureen ciidamada ATMIS oo fariisin ku leh duleedka degaankaasi oo 7 KM u jira magaalada Buulo-Mareer oo dhowaan weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Uganda ay ku qaadeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhacday guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, ayada oo duqeyntu dhacday xilli habeen ah oo dadka ay hurdayeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan ku dhintay ugu yaraan hal qof oo ahaa Aabe caan ka ahaa Golweyn, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 qof oo kale.

Sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray guryo badan oo qaarkood la sheegay inuu dab ka kacay, taas oo sii adkeysay xaaladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dibad-bax ka dhan ah ATMIS ay shacabka Golweyn ka dhigeen gudaha degaankaasi, si ay uga dhiidhiyaan dhibaatada ka dhalatay weerarka madaafiicda ah ee xalay saq dhexe ka dhacay halkaasi.

 

Ad
Previous articleBooliiska oo Muqdisho ku qabtay nin gabar maalmo badan Afduub ahaan u heestay
Next articleCali Guudlaawe oo Waji Gabax kala Kulmay Xilka Qaadistii uu Ku Sameeyey Cali Jayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here