Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Macalin Mowliid Macalin Cabdullaahi oo dil argagax leh loogu...

Wararkii Ugu Danbeeyey Macalin Mowliid Macalin Cabdullaahi oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay koox ciyaal weero katirsan degmadaasi ku dileen nin dhallinyaro ah oo ahaa Imaam Masaajid iyo wadaad dadka kutubada diiniga ah bara.

Ciyaal weero ku hubeesnaa mindiyo ayaa xalay dil argagax lahaa u geestay Sheekh Mowliid Macalin Cabdullaahi oo kamid ahaa wadaadada sida weyn looga yaqaan degmada Kaaraan, waxaana dilka aad uga naxay shacabka Kaaraan.

Sida aan wararka ku helnay ciyaalka weerada ayaa ayaa dhoor xabo oo toorey ah ku dhuftay Sheekh Mowliid, waxa ayna kooxdan dilka kaddib wadaadka horey uga sii qaateen moobeel iyo agabyo kale uu watay.

Ciyaalkii weerada ee dilka geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska saldhigga degmada Kaaraan, kuwaa oo bilaabay howlgalo lagu baadigoobayo kooxda dilka geesatay.

Dadka ku dhaqan degmada Kaaraan ayaana aad uga naxay dilka loo geestay Sheekhan caanka ka ahaa degmada, waxa ayna shacabka ugu baaqeen ciidamada in tallaabo adag ka qaadaan kooxdii dilka geesatay iyo ciyaalka weerada ee dhibka ku haya shacabka.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleWararkii U Danbeeyay Dagaal Culus Oo Goordhow Ka Qaraxay Magaalada Laascaanood
Next articleXildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo ku Geeriyooday Muqdisho