Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii U Danbeeyay Dagaal Culus Oo Goordhow Ka Qaraxay Magaalada Laascaanood

Wararkii U Danbeeyay Dagaal Culus Oo Goordhow Ka Qaraxay Magaalada Laascaanood

0
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in duleedka magaalada Laascaanood uu ka socdo mid kamid ah dagaaladii ugu culsaa ee waayadan ka dhacay halkaasi, wuxuuna u dhexeeyaa ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC.

Inkastoo aan la xaqiijin xadiga uu gaarsiisan yahay khasaaraha, wararka hordhaca ah ee la helayo waxey tilmaanayaan in khasaare xoog leh la gaarsiiyay dhanka Somaliland, iyagoo ku jawaabay masaafiic ay ku garaaceen xaafadaha magaalada.

Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka baabuur ciidan oo laga qabsaday Somaliland iyo maxaabiis dagaal ayaa sawiradooda la baahiyey, xili wali dagaalka uu socdo.

Somaliland, waxay sheegtay in dhankooda lagu soo qaaday dagaalka, ayna ka dambeeyaan Puntland iyo kooxo Argagixisa ah, waxayna sheegtay in uu ahaa weerar la diyaarinayay maalmihii u dambeeyey.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii la soo dhaafay daganeyd, waxaana guuldareystay dadaalo ay waday dowladda Itoobiya oo ay ku dooneysay iney wadahadal isugu keento labada dhinac, kadib shuruudo adag oo ay la yimaadeen dhinacyada colaada u dhexeyso

Ad
Previous articleShanta qodob ee heshiiska DF iyo dowlad goboleedyada ee qaab dhismeedka amniga
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Macalin Mowliid Macalin Cabdullaahi oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here