Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Lix Sarkaal oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo La Dilay

Wararkii Ugu Danbeeyey Lix Sarkaal oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo La Dilay

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay soo afjartay nolosha 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa uruurinta baadda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa howl-galkaan ka fulisay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu dilay horjoogeyaasha lixda ah ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Lixda horjooge ee la soo afjaray noloshooda ayaa waxaa la beegsaday xilli ay ku safrayeen labo gaari kadib markii ay ka imaadeen deegaanka Buq-aqable, sida ay shaacisay NISA.

“Howl-galkaan ayaa lagu guulaystay in lagu soo afjaro horjoogeyaal lagu raad joogay, kuwaasi oo muddo dheer ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadowga Khawaarijta ah re ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.”

Lixda horjooge ee la dilay ayaa waxay kala yihiin;

1. Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa Al-Shabaab degmada Jalalaqsi.

2. Buulle Kabey oo ahaa horjoogihii gaadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

3. Maxamed Abuukar oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

4. Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

5. Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaaradda Al-Shabaab u taalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

6. Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qeybaha baadda iyo boobka dhaqaalaha shacabka ee Al-Shabaab.

Ad
Previous articleDowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD qabashada shir deg deg ah oo Badda Soomaaliya looga Hadlaayo
Next articleDowladda Mareykanka oo markale taageero u muujisay dowladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here