Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer.
Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo deegaanka ah, illaa saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan.
Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay in hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka ay dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaaladaasi.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ay gurmad siiyeen askarta ATMIS ee lagu weeraray saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.
Sidoo kale ciidamo gurmad ah oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa iyaguna gaaray magaalada Buulo Mareer, kuwaasi oo la sheegay inay gurmad deg deg ah u fidinayaan ciidamada dhaawaca soo gaaray.
Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dowladda Uganda, oo la xiriira weerarkan iyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay iyo weliba “waxa ka jira” sheegashada Al-Shabaab.