Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Maxaas oo Kordhay iyo Hal...

Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Maxaas oo Kordhay iyo Hal Qoys oo Hal Qof Ka Haray

0

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Galgaduud, waxaana qaraxyadan lala eegtay guryo Maxaas ka degnaayeen rag masuuliyiin ah.

Qaraxyada ka dhacay Maxaas oo ahaa kuwa gaadiid loo adeegsaday ayaa lala eegtay guryo Maxaas ka degnaayeen Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo xilliga weerarku ka dhacay Maxaas ka maqnaa iyo guriga guddoomiyaha Maxaas.

In ka badan 20-qof oo isugu jirta shacab iyo ciidamo ayaa ku dhintay qaraxyada ismiidaaminta ah, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxyada ay ka badan yihiin 40-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Dadka ku dhintay qaraxyada ayaa wararku sheegayaan in ay ku jiraan qoys ka koobnaa toban qof oo hal guri wada degnaa, waxaana qoyskaasi la sheegay in uu kaliya ka badbaaday hal qof.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Baledweyne ayaa loo kala qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxyada ka dhacay Maxaas, waxaana ddaka dhaawacyada soo gaareen ku jira guddoomiyihii degmada Ceelbuur Nuur Fuuley, wariye iyo saraakiil ciidan.

Qaraxyadan saakay ruxay Maxaas ayaa noqonaya kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmadaasi oo xudun u aheyd howlgalada ka socda gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyadan dhacayaan xilli abaabul dagaal uu ka socday degmadaasi.

Ad
Previous articleSaraakiil Sar Sare oo Kasoo Jeeda Galmudug oo Ka Mid noqday Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Maxaas+Magacyada Saraakiisha
Next articleAl Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Ciidamo Kenyan ah oo safar ku jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here