Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Hoobiyaayal lagu Garaacay Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Hoobiyaayal lagu Garaacay Muqdisho

0

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho, kuwaas faahfaahin hordhac ah laga helayo khasaaraha ay geysteen iyo goobaha ay ku dhaceen.

Sida aan ka soo xiganay saraakiil amni afar Hoobiye ayaa laga soo tuuray aagga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.

Kan labaad waxaa la sheegay inuu ku dhacay aagga xarunta NISA ee Habar-Khadiijo oo aan ka fogeyn xero Gaadiid, isla dehmada Cabdicasiis, faahfaahina lagama helin khasaaraha uu geystay.

Midka saddexaad ee la ogaaday halka uu ku dhacay ayaa la xaqiijiyey inuu ku soo dhacay degmada Boondheere, gaar ahaan meel banaan ah, wax khasaare ahna ma geysan.

Lama helin halka uu ku dhacay hoobiyihii afaraad ee xalay jugtiisa la maqlay, waxayna dadka Muqdisho dareemeen cabsi badan.

Ciidamada ammaanka ayaa deg deg ugu baxay goobihii loo maleynayey in laga soo tuuray hoobiyeyaasha, waxayna ku guuleysteen inay 4-taas ku ekaadaan, in kastoo aan weli lagu guuleysan soo qabashada raggii weerarkaas geystay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay muddooyinkii dambe, waxaana socda dadaallo badan oo hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay wadaan, si amni buuxa ay u helaan dadka ku nool caasimadda.

Ad
Previous articleFaahfaahin Dab Xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha
Next articleMareykanka iyo Xuutiyiinta oo isku fara saaray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here