Waxa uu tilmaamay in la beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa aagga degmada Ceel Cadde, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho, dhaawac iyo burburba leh.
Sidoo kale Aadan Rufle ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan wiil iyo gabar isla dhashay oo kala ahaa sideed sano jir iyo lix sano jir.
Korneelka oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac uu gaarayo illaa 10 qof, sidoo kalena diyaaradaha ay burburiyeen dhammaan xarumhihii muhiimka ahaa ee degmada.
Ugu dambeyn wuxuu baaq dheer u diray dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka gobolka Gedo.
Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas oo ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen deegaankaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.