Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Jabhadda Amxaaradda oo kaabiga ku haysa Addis Ababa

Wararkii Ugu Danbeeyey Jabhadda Amxaaradda oo kaabiga ku haysa Addis Ababa

0

Ciidamada Jabhadda Amxaaradda ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, sida ay ku warameyso warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa xubno ka tirsan Jabhadda.

Xeradan oo ku taalla deegaanka Ensaro Shewa ayaa waxay qiyaastii 93KM u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaaradda ayaa hadda kaabiga ku haysa magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Gobolka maamulka Axmaaradda ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaana shalay laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii arrimaha dibadda.

Demeke Mekonnen oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020-kii ayaa shalay xilkii iska casilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Abiy.

Waxaa la arkayay muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke, kuwaas oo raasaas ridaya.

Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay uga soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo shacabka Itoobiya ee hadda diidan xukunkiisa.

Sidoo kale bulshada Amxaaradu waxay dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dal.

Ethiopia ayaa waxaa xilligaan ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasi oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Ad
Previous articleXasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo Yeelanaaya kula fool ka fool ah
Next articleGalhareeri oo Markale Martigalisay Duqaymo Culus iyo khasaaro Culus oo Alshabaab Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here