Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Itoobiya oo ka laabaneysa qorshihii aqoonsiga Somaliland

Wararkii Ugu danbeeyey Itoobiya oo ka laabaneysa qorshihii aqoonsiga Somaliland

0

Itoobiya ayaa ka fakareysa inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland kadib markii ay la kulantay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay qaboojiso xiisadda ka dhalatay hindisahan, ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka.

Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo ku beddelaneysa in la siiyo bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiska is-afgarad ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka deriska ah, ayada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka Masar iyo dalal kale ay ku baaqeen feejignaan.

Wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya, sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Saraakiisha Itoobiya ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale arritan kusoo qaaday kulan uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna booqanayey Kenya xilligii uu ku sugnaa Abiy Ahmed.

Inkasta oo Itoobiya aysan weli si rasmi ah uga bixin heshiiska Somaliland, ayada oo Abiy weli uu aad u doonayo bad, deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa ka digay inuu colaad ka hurin karo gobolkan aan xasilooneyn.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobe ayaa sidoo kale ka digay in tani ay u ogolaan karto Al-Shabaab inay uga faa’iideysato inay qorato dagaal-yahano cusub.

Ma cadda tallaabada ay qaadi doonto Somaliland haddii Abiy uusan diyaar u aheyn aqoonsi, ayada oo Somaliland ay taas shuruud uga dhigtay fulinta heshiiska.

Heshiiska is-afgaradka oo la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, ayaa qorshuhu ahaa in lagu fuliyo bil gudaheed, waxaana hadda socota bishii saddexaad, taasi oo muujineysa inuu jiro cago jiid.

Ad
Previous articleCali Khaliif Xirsi oo Dil Toogasha ah Maantay Lagu Fuliyay
Next articleMaraykanku 4 dal ka keeni Doona 30,000 oo muhaajiriin ah bishii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here