Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ibraahim Iman oo Qurba joog ahaa oo xalay Lagu...

Wararkii Ugu Danbeeyey Ibraahim Iman oo Qurba joog ahaa oo xalay Lagu dilay Muqdishu

0

Kooxo hubeysan oon wali heebtooda la garan ayaa xalay xaafada Gubta ee degmada Dayniile ku dilay nin qurbojoog ahaa oo muddooyinkii dambe kunoolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeysan ayaa gurigiisa hortiisa xalay ku toogtay Ibraahim Iman oo loo yaqaan (Dibad), kooxda dilka geesatay ayaana la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, ciidamada oo halkaasi ka sameeyay baaritaanno kooban ayaan ku guuleysan in ay soo qabtaan kooxdii dilka geesatay oo la sheegay in ay mooto ku baxsadeen.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in isaga iyo carruurtiisa kasoo guureen dalka Ingiriiska oo ay degnaayeen, waxaana la sheegay in marxuumka ahaa aqoonyahan jaamacad uga baxay dalka Ingiriiska uu kunoolaa.

Dilkan ayaaan la ogeyn in ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah iyo inkale, mana jiro ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkan, laamaha ammaanka ayaana dhankooda ka hadlin dilkan xalay ka dhacay degmada Dayniile.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXamaas oo war ka soo saartay weerarka lagu qaaday isbitaalka
Next articleC/salaam Axmed Cali oo aha Dilaagii Dilay Cabdulahi Cali Huudey oo Dil Toogasha Lagu Xukumay