Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Howlgal culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Howlgal culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ciidamada ay ka fuliyeen xaafadaha deegaankaas oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga caasimada iyo deegaanada ku xeeraan.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhumayo inay xiriir la leeyihiin ama la shaqeeyaan Al-Shabaab, kuwaas oo haatan lagu haayo baaritaano.

Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ka hortagi doonaan weerarada suurtagalka ah ee ay soo abaabuli karto kooxda Al-Shabaab.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa haatan ka howlgallo ciidamo kala duwan sida Booliska iyo kuwa Xasilinta caasimada, kuwaas oo loo geeyay inay sugaan amniga deegaankaasi.

Howlgalladan joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa keenay isbeddal ballaaran oo dhanka amniga, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxay kooxihii ciyaal weerarada iyo kuwii kale ee dhaca u gaysan jiray shacabka, kuwaas oo iyana dhibaato ku hayay reer Muqdisho.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo haatan dagala adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa la timid qorshe lagu sugayo amniga Muqdisho, waxaana yaraaday qaraxyadii dhici jiray.

Ad
Previous articleDowladda Turkiga oo war hor leh kasoo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya
Next articleBurcad Badaeed oo Mudo kadib Afduubtay Markab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here