Howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ka wadaan deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.
Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaano badan oo hoostaga Aadan Yabaal, Ceel Cali Axmed, Buq-aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle.
Howl-galladaasi ayuu sheegay in dagaal-yahaanada kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, kuwaasi ii naf iyo maalba leh.
Korneyl Faarax Kooshin ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka ku nool deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay kaalintooda ka qaataan dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah.
Dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa horumar wanaagsan ka sameeysay howl-gallada lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan, xilli uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.