Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la duqeeyay

Wararkii Ugu Danbeeyey Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Howl-gal qorsheysan oo dhanka cirka ah ayaa goordhoweyd lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday horjoogahan sare ee ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daray in horjoogaha la beegsadey uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaallada.

Howl-galka ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.

Si rasmi ah weli looma shaacin horjoogaha la beegsaday magaciisa, iyo waxa kasoo gaaray howl-galkan dhanka cirka ah ee ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waa tallaabo kale oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar-jabinta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa horey u sheegtay inay ka go’an tahay “xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab” si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.
Ad
Previous articleGuddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland oo Talaabo Culus Qaaday Xili Xaaladu kacsantahay
Next articleCiidanka xoogga oo si rasmi ah16 Sano kadib loogu wareejiyay amniga Villa Somalia(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here