Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Goob ay ku shirayeen Madaxweyne & Raisul Wasaare caan...

Wararkii Ugu Danbeeyey Goob ay ku shirayeen Madaxweyne & Raisul Wasaare caan ah oo la duqeeyey(Sawiro)

0

Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Odesa ee koonfurta dalka Ukraine, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelensky uu kula kulmayay ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen. lama soo sheegin cid ka tirsan labada wafdi oo wax ku noqday.

Mitsotakis ayaa sheegay in labadooduba ay maqleen dhawaqa seeriga iyo qaraxyada.

Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhinaca badda ah oo ku taalla meel ganacsi oo ku taal magaaladaas intii uu socday weerarkaas.

Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “in aysan dan ka lahayn cidda ay beegsanayaan”, isagoo sheegay in Moscow ay “ama waalatay ama aysan xakameynin waxa ay sameynayaan ciidankooda argagixisada ah”.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ra’iisul wasaaraha Giriiga ayaa yiri “waxaan maqalnay dhawaqa seeriga iyo qaraxyo ka dhacay meel noo dhow, ma aanan helin waqti aan ku gaarno gabbaad”.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Mareykanka oo Dhinac ah IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa ku eedeeyay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) iyo Bangiga Adduunka inay aad uga leexdeen howlihii loo aasaasay. Bessent ayaa sheegay IMF ay ku bixinayso

Al-shabaab oo saaka Weerar Qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku

Rag ka tirsan Shabaab oo dad ka afduubtay Mandheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu
Ad
Previous articlewiil Soomaali ah oo walaalkii ka yaraa ku dhex dilay gurigii ay degganaayeen
Next articleFaahfaahin Amaanka Caasimada Muqdisho iyo Bisha Ramadaan