Home Wararka Maanta Faahfaahin Amaanka Caasimada Muqdisho iyo Bisha Ramadaan

Faahfaahin Amaanka Caasimada Muqdisho iyo Bisha Ramadaan

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa shir-gudoomiyay shir looga arinsanayay u diyaar garawga bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan C/lahi Maxamed (Kaniif), Saraakiisha Hoggaamada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, fadhiyada Madaxa Banaan, saraakiisha qeybaha ee Boliiska Gobolka Banaadir Taraafiko iyo Taliyaasha saldhigaya Gobolka.

Hal ku dhiga shirka ayaa ahaa Nabad ku afurka Bulshada Caasimadda inta lagu guda jiro bisha ramadaan iyo ka hortaga falalka  Al shabaab.

Inta uu shirka socday taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu faray saraakiisha ciidamada in laga shaqeeyo sidii bulshada Soomaaliyeed ee Caasimadda ay si nabad ah ugu soomi lahaayeen, kuna afuraan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Goob ay ku shirayeen Madaxweyne & Raisul Wasaare caan ah oo la duqeeyey(Sawiro)
Next articleSomaliland oo maanta xukun adag ku ridday afar nin oo gaalo ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here