Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ganacsiyo wawayn oo ku Yaal Boosaaso oo Daacish Albaabada...

Wararkii ugu Danbeeyey Ganacsiyo wawayn oo ku Yaal Boosaaso oo Daacish Albaabada Isugu Dhufatay

0

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in weli ay xiran yihiin qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, cabsi laga qabo darteed kooxda Daacish ee ku sugan dhulka baraleyda Galgala.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in arrintaan ay gooni u tahay shirkadaha ka shaqeeya qalabka dhismaha, kadib markii uu is faham waa soo kala dhex-galay iyaga kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay lacago ka qaado ganasatada Boosaaso.

Muddo todobaad ah ayaa waxaa xiran xarumaha ganacsiga shirkadaha Towfiiq, Gufurre, Horseed iyo Oomaar, kuwaas oo albaabada la’isugu dhuftay, sida ay ogaatay mudug24.

Saddex shirkadood ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in la gubi doono xarumahooda, si lamid ah shirkadihii dhawaan lagu gubay magaaladaasi.

Khilaafka soo kala dhex-gaay ganacstada iyo Daacish ayaa yimid, kadib markii ay kooxda ku amartay inay ganasatadu bixiyaan lacago canshuuro oo boqolaal kun oo dollar ah, haddii kalena ay la kulmi doonaan weeraro, hanjabadaas ayaana keenay inay xiraan mehradahooda.

Lacagta ay Daacish ku soo rogtay goobaha ganacsiga ee hadda xiran ayaa u dhexeyso 300,000 illaa 500,000 oo dollar sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee saameynta ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga magaaladaas.

Qaar kamid ah ganacsatada ay saameysay arrintaan ayaa sidoo kale shalay kulan la yeeshay maamulka gobolka Bari, iyaga oo u gudbiyay cabashadooda, si wax looga qabto, maadaama arrin ammaan darteed ay u xireen goobahooda ganacsi ee Boosaaso.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay Daacish ay xirto ganacsiga Boosaaso, waxayna dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleXukunka Xaasaskii Alshabaab ee la qabtay iyagoo Gaari qaraxyo ku sida.
Next articleWararkii igu danbeeyey Duqaymo iyo Dagaal Toos ah oo Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada ku Dhexmaray Duleedka Ceelbuur