Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Galmudug oo Maantay Alshabaab ka Qabsatay Dhul Balaaran(Xog)

Wararkii ugu Danbeeyey Galmudug oo Maantay Alshabaab ka Qabsatay Dhul Balaaran(Xog)

0

Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta iyo ciidanka Difaaca Shacabka oo hawlgallo sifaynta kooxda Alshabaab ah ka wada gobalka Galguduud ayaa kooxda Alshabaab ah ka saaray dhul ballaaran oo dhaca wadada xiriirisay degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb.

Goobaha laga saaray Alshabaab waxaa kamid ah magaalada istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, Laba-dulle, Dhaban-dhul kuhays iyo dhul balaaran oo ah hawdka ay ku dhuumanaysay kooxda Alshabaab.

Hawlgalkaan oo xoogiisu ka socda dhulka howdka ayaa saacad kasta soo yaraynaya goobaha ay ku dhuumanayaan Alahabaabka haraadiga ku ah Galmudug.

Guulahan isdaba-joogga ah ayaa ka dhashay iskaashiga qaran ee uu hoggaaminayo madaxwayne Xasan Sheekh Maxuud oo hadda ku sugan aagaga dagaalka si uu u garab istaago geesiyaasha Qaranka.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Madaxweyne Xasan shiikh oo Gaaray Degmada Aadan yabaal(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo soo bandhigay Askari ka Tirsan ATMIS oo nool iyo Dalab u Dirsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here